Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha oo maanta gaaray magaalada Baydhabo

41

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, halkaasoo ay ku soo dhoweeyeen Maamulka Gobolka, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha bulshada.

Wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed oo safarkiisa ay ku wehliyaan Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi iyo Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda, iyadoo u kuur geli doona xaalada magaalada.

Booqashadan ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay kuwo Wasiirka Arrimaha gudaha ku tagi doono qaar ka mid ah gobolada dalka, iyadoo uu socdo qorshe maamulo loogu sameynayo gobolada dalka.

Kulan ay leeyihiin Wafdiga wasiirka, maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada ayaa ka socda magaalada Baydhabo, waxaana kulankan ka qeyb galaya waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka.

Magaalada Baydhabo ayaa maalmihii u dambeeyay waxaa ka socday qaban qaabada maamul goboleed loo dhisayo Gobolada Bay iyo Bakool, iyadoo aan la ogeyn in socdaalka wasiirka arrimaha gudaha ay qeyb ka tahay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.