Raisul wasaaraha Xukuumadda Ethiopia oo loo doortay Madaxa Ururka Midowga Africa.

52

Shirka 20aad ee Midowga Africa oo ka dhacay Magaaladda Addis Ababa ee Cariga Ethiopia ayaa waxaa Shirkaasi lagu doortay Raisul wasaaraha Xukuumadda Dalka Ethiopia Haile Mariam Ddisaling oo loo aqoonsaday inuu ahaan Doono Madaxa Ururka Midowga Africa ee halka sanno fooda nagu soo heysa

Mr Haile Mariam Ddisaling ayaa inta uu shirka socday loo aqoonsaday inuu ahaan doono Madaxa Ururka isaga oo si aqlabiyad ah soo jiidasho uga helay Madaxda kulanka isugu yimaaday

Madaxweynaha dalka Benin Thomas Boni Yayi, oo ahaa madaxa Ururka ayaa si sharaf leh xilkaasi ugu wareejiyay Raisul wasaaraha Ethiopia Haile Mariam Ddisaling waxa uuna Benin Thomas sheegay in masuuliyada Culus ay kadagtay islamarkaana uu ku wareejiyay Haile Mariam

Madaxweynaha dalka Benin Thomas Boni Yayi oo xilkaasi haayay muddo Sanad ah ayaa Masuuliyiinta Africa ee goob-joog ka ahaa Shirka xil wareejinta ugu baaqay inay la shaqeeyan Masuulka Cusub ee iminka lagu wareejiyay xilkaasi maadaama ayuu yiri xilka loo dhiibay uu yahay mid culus

Si kastaba ha ahaatee sanad waliba marka ay ku beegantahay Bisha January Magaaladda Ethiopia ka dhaca Kulan lagu dooranaayo Guddoomiye Cusub.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.