Ololo nadaafad oo si xooli ah uga socdo Xamar Jajab (DAAWO SAWIRADDA).

48

Olola Nadaafad ayaa waxa uu maanta ka bilowday Degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir Ololahaasi oo lagu xaqiijinayo Nadaafadda Degmada oo mudooyinkii dambe sii liidaneysay

Ololaha ayaa imaaday kadib markii Raisul wasaaraha Somalia uu ku dhawaaqay inuu abaal marin ku bixin doono Degmadii soo soorta Bilicdeeda islamarkaana xaqiijisa nadaafadeeda

Sidoo kale Nadaafad taasi lamid ah ayaa waxa uu ka bilowday Degmooyinka kale oo hoostaga Gobalka Banaadir, taasoo ay dhaqaale ku bixinaayan Masuuliyiinta ku magacaaban Maamulka Degmooyinkaasi

Degmooyinka saaka ololaha Nadaafada uu ka biloowday ayaa waxaa kamid ah Degmada Xamar jajab ee Gobalka Banaadir halkaasi oo lagu arkaye haween wata agabka kala duwan ee Nadaafada kuwaasi oo qashinka uruurinaye.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Degmadii ku guuleysata Nadaafada ay helayso lacag gaaraysa 15-kun oo doolarka Mareykanka. Waxa uuna sheegay in arintaasi uu guddi u xil-saari doono si ay u xaqiijiyaan indha indheynta Bilicda Degmadaasi.

DAAWO SAWIRADDA:-

7

6

3

2

You might also like More from author

Comments are closed.