Madaxweyne Xassan Sheekh oo maanta u ambabaxay dalka Ethiopia si uu uga qeybgalo shirka madaxda Afrika

34

Madaxweyne Xassan Sheekh oo ay wehliyaan xubno katirsan labada gole ee xukuumadda ayaa Duhurnimadii maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradha Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho isagoo kusiijeeda magaalada Adis ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ay garoonka ka sagootiyeen Gudoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa magaaladaasi Uga qeybgali doona shirka madaxda Afrika iyo sidoo kale kan wadamada Igad oo aan xubnaha kanahay Sanadkiiba 2 mar laqabto  kuwaasoo labadaba ajandayasha looga hadli doono ay Soomaaliya uga jirto Kaalmaha hore.

Wasiir dowlaha Arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Prof.Maxamed Nuur Gacal oo garoonka Kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirarkan kadib uu madaxweynuhu ka qeybgeli doono shir ka Dhici doona wadanka Bilgem  kaasoo ay isugu imaan doonaan wadamo badan oo katirsan midowga Yurb Iyo shir kale oo isna ay yeelan doonaan wadamada Islaamka

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa hadalo ka jeedin doona Dhamaan shirarkaasi isagoo madaxda kala duwan hor dhigi doona xaaladda Soomaaliya halka ay xiligan Mareyso iyo sida ay dadka Soomaaliyeed diyaar ugu yihiin inay wax qabsadaan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.