Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya oo sheegay in dowladu wax ka qabaneyso sara ukaca maciishada

40

Wasiirka Maaliyadda Iyo Qorsheyta Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan oo manta xafiiskiisa kula hadlayay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed Ayaa ugu horeyntii xusay in ay dowladda Soomaaliya ay aad uga xuntahay Saameynta dadka soomaaliyeed ay ku yeelatay hoos u dhaca ku yimid sarifka Doolarka taas oo wasiirku uu ku macneeyay arimo dhowr ah oo Iskaashaday sida lacagta shilinka Soomaaliga oo duugoowday iyo lacag farabadan oo ku gubatay Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wasiirka Maaliyada ayaa intaa raaciyay in dowlada Soomaaliya ay wax ka Qaban Doonto dhibaatada haatan ka taagan Maciishadda oo sara ukac sameysay markii uu qiimaha sarifku hoos udhacay.

Wasiirka Maaliyadda Iyo Qorsheynta Xukuumadda Somaaliya Maxamuud Xasan Suleymaan Oo Hadalkiisa sii wata ayaa daboolka Ka qaaday in ay socoto daraasad La xiriirta sidii loo fasixi lahaa lacago cusub oo la soo galiyo dalka si ay meesha uga Baxdo sicirbararka mararka qaar saameeya suuqyada dalka islmakaana dhibaato Ku keena dadka danyarta ah ee aan awoodin inay wax ku iibsadaan qiimahasi.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.