Wararkii ugu dambeeyay koobka qaramada Afrika

29

Ciyaaraha qaramada Afrika ayaa wali si xiiso leh uga soconaya garoomada waa weyn ee wadanka koonfur Afrika isagoo koobku maraya heer wanaagsan .

Ciyaarihii ugu dambeeyay wadanka koobka difaacanaya ee Zambia ayaa bar baro la galay xulka Nigeria iyadoo Zambia ay iyadu heshay bar bardhaca waxaana goolka la horeeyay Nigeria oo ka heshay Emenike ,kadib kubbad uu caawiyay John Obi Mikel iyadoo sidoo kalana uu Mikel ucanay rigoore.

Laakin daqiiqadii 85 aad ayaa Zambia loo dhigay rigoore waxaana shabaqa soo taabsiiyay ciyaariyahan goosha uqabtay K. Mweene waxaana ay ciyaartu ku soo idlaatay 1-1.

Ciyaartii labaad iyagoo 10-nin ku ciyaaraya xulka wadanka Burkina Faso ayey 4-0 ku xaaqeen Ethopia waxaana ay goolasha ka heleen Alain Traoré oo labo gool dhaliyay Koné iyo Pitroipa

Caawa ciyaaraha jira iyo waqtiga geeska Afrika

Côte d’Ivoire vs Tunisia 6:00
Algeria vs Togo 9:00

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.