Howlgal lagu xaqiijinayo amaanka oo saaka ka socda xaafado ka mid ah Muqdisho

63

Howlgal balaaran oo lagu xaqiijinayo amaanka ayaa saaka ka socda xaafado ka mid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.

Howlgalkan oo ay si wada jir ah u fulinayaan ciidamada Booliiska iyo kuwa nabadsugida ayaa waaberigii saaka ka bilowday xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

Taliyaha ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir General Axmed Xasan Maalin ayaa Radio Muqdisho u sheegay in xaafada Jamhuuriya maalmihii ugu dambeeyay laga soo sheegayay falal amnidarada ah oo halkaasi ka geysanayeen kooxo burcad ah oo dadka ka qaadanayay Telefoonada gacanta, isagoo intaa ku dary in howlgalka saakay lagu qabtay tiro ka mid ah kooxihii amnidarada ka waday halkaasi.

Sidoo kale taliyaha ayaa uga mahadceliyay wadashaqeynta dadweynaha ku nool xaafada Jamhuuriya oo uu sheegay in ay u tilmaamayeen kooxaha burcad ah ee ku dhuumaaleysanayay xaafadaasi, wuxuuna wacad ku maray in sharciga la mrsiindoono kooxahaasi.

hwolgalkan ayaa qeyb ka ah howlgalo isdabajoog ah oo ay ciidamadu ka wadaan xaafadaha kala duwan ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.