Wasiirka Gaashaandhigga”Waxaan Dayactireyna Afar Ka Mid ah Xerooyinka Ciidanka iyo Cisbitalki Xoogga”

35

Wasaarada Gaashaandhiga ayaa sheegtay in ay dayactireyso Afar xero ay ciidamada XDS ku lahaayeen Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhiga mudane C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in wasaarada gaashandhigu ay dacaytireyso Afar xero oo ay ciidamada XDS ku lahayeen magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wasiirka ayaa tilmaamay in ay dhisayaan cisbitalki Xoogga oo ay si gaar ah u lahaayeen ciidamada XDS,  kaas oo ku burburay dagaaladi dalka ka dhacay iyadoo wasiirku xusay in dhismaha cisbitalka laga soo bilaabayo meel hoose maadaama uu burbursanyahay.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in qarashka ku baxaya dhismayaashaasi ay dowladu bixineyso maadaama ay ciidamada XDS ay baahi weyn u qabaan dhismayasha herooyinka iyo cisbitalka Xoogga.
Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.