Ciidamada AMISOM oo isku diyaarinaya sanad kadib in ciidamada Itoobiya kala wareegaan Baydhabo

46

Ciidamada AMISOM ayaa isku diyaarinaya in sanad kadib ay kala wareegaan amaanka magaalada Baydhabo Ciidamada Itoobiya, kuwaasoo bishii Febraayo ee sanadkii hore ka qabsaday magaalada Xarakada Al-Shabaab oo muddo saddex sano maamuleysay.

Baydhabo ayaa wali ku jirta xaalad go’doon ah, maadaama Al-Shabaab ay ku sugan yihiin deegaanada ku dhow dhow, halkaasoo mararka qaar ay jidka ugu galaan Kolonyada ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda.

Magaalada Baydhabo ayaa ah qeybta saddexaad ee howl galka AMISOM loo qorsheeyay, iyadoo ay ku sugan yihiin magaalada ilaa 800-askari ka socda dalalka Uganda iyo Brundi.

Inkastoo ammaanka magaalada uu yahay mid caadi ah, hadana kumanaanka kun ee Ciidamada Itoobiya ayaa saldhigyo milateri ku leh gudaha iyo duleedyada magaalada oo ay ka difaacayaan Shabaab.

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee qeybta 3aad ee Baydhabo ayaa sheegay in aanay jirin wax cabsi ah oo ay qabaan, isla markaana ammaanka uu yahay mid wanaagsan, isagoo cadeeyay in dhowaan ay soo gaari doonaan Ciidamo dheeraad ah.

Howl galka AMISOM ee Gobolada Bay iyo Bakool ayaa loo qorsheeyay ilaa 2,500 askari ka kala socda dalalka Brundi iyo Uganda, iyadoo Taliyaha hogaamin doona uu u dhashay dalka Brundi.

Dhowaan ayay aheyd markii garoonka diyaaradaha Baydhabo ay la wareegeen Ciidamada AMISOM, waxaana garoonka ka socda howlo dib loogu dhisayo, maalin walbana waxaa ka soo dega diyaarado sahay u sida ciidamada.
Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.