Xulka K/Kolayga Dalkeena Soomaaliya Oo Guuldarro Ciriiri Ah Ay Ka Soo Gaartay Rwanda Semi-finalka Zone 5.

36

Xulka Rwanda ayaa u talaabsaday finalka FIBA Afrika Zone 5 ka dib markii ay semi-finalka si dirqi ah kaga badiyeen xulka dalkeena Soomaaliya.

Ciyaarta oo aheyd mid xamaasad leh ayaa labada xul ay ahaayeen kuwa si aad ah isagu dhow oo aan farqi weyn u dhaxeynin ilaa dhamaadkii ciyaarta.

Xulka Rwanda ayaana ku badisay 86-83, waxaana ay finalka FIBA Afria Zone 5 la kulmayaan xulka Masar oo 88-41 kaga soo badiyay xulka Kenya.

 

Berrito ayayna dhaceysaa ciyaarta kama danbeysa ee loogu soo baxayo koobka qaramada Afrika ee kubada kolayga, saacada Afrikada bari marka ay tahay 8pm.

Xulka dalkeena Soomaaliya ayaa dadaalay intii uu tartankaan socday, waxaana ay Group B kaga soo baxeen kaalinta koowaad iyagoo garaacay wadamada Kenya iyo Burundi. Taageerayaasha Soomaaliyeed ayaana muran la’aan u arko inay yihiin geesiyaal howl qaran qabtay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.