Dowladda Sri Lanka oo joojinaysa haweenka u shaqo taga dalka Sacuudiga

35

Dowladda Sri Lanka, oo ka dawaqtamaysa xukunkii Maxkamadda Sacuudiga ee  bishan bilowgeeda qoorta looga gooyey Adeegto u dhalatay dalkaasi, ayaa sheegtay inay joojin doonto Haweenka u xoogsi tegi jirey Sacuudiga/

Afhayeenka Dowladda Sri Lanka, Keheliya Rambukwella ayaa sheegay in go’aankaasi la qaatay, si dumarka Sri Lanka looga badbaadiyo inay tacadiyo kala kulmaan dalka Sacuudiga.

Tallabaddan, ayaa muujinaysa inuu sii laba-lixaadsanayo muranka Diplomaasiyafeed ee labadaasi dal ee ka dhashay Xukunkii Qoor-goynta ee bishan January 9-keedii lagu fuliyey Haweeney Adeegto ah oo u dhalatay dalka Sri Lanka.

Haweeneydaasi oo la oran jirey Rezana Nafeek, ayaa la sheegay in lagu eedeeyey inay sannadkii 2007-dii dishay gabar yar oo ay dhaleen Reerkii Sacuudiyaan ah ee u shaqeynaysay

Khilaaf u dhexeeyey Adeegtadda iyo Xaaska Loo-shaqeeyaha, ayaa ku soo beegantay waxyar ka hor markii ay geeriyootay gabdha yar oo xilligaasi dhalo caano ku jireen  jaqaysay.

In ka badan 40 Haween Adeegtooyin ka ah dalka Sacuudiga ayaa haatan muteystay Xukun Qoor-goyn, kadib, markii lagu helay inay qaarkooda dileen Raggii ay u shaqeynayeen oo isku dayey inay kufsadaan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.