Maxkamadda magaalada Mombasa ee dalka Kenya oo dib u dhigtay dhageysiga dacwad loo heystay nin soo daabacay Baasaboorka Soomaaliga

46

Maxkamad magaalada mambaasa ayaa dib u dhigtay dhageysiga dacwad loo hesatay nin u dhashay wadanka hindiya kaas oo lagu eedeeyey  in uu  soo been abuuray baasabooro soomaali ah iyo waliba kaararka dhalashada soomaaliga ah.

Ninkani Hidiya u dhashay oo dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya horay ula gashay qandaraas Baasaboor Sameyn ah ayaa sanadkii hore laga qabtay dekeda magaalada Mombasa ee dalka Kenya kaasi oo soo dejinayay  kontenaro ay ku jireen kaararka aqoonsiga iyo Baasabooro Soomaali ah.

Maxkamada oo saaka  lagu balanasanaa dhageysigeeda ayaa waxaa dhanka Soomaaliya uga soo qeyb galay Danjire Maxa’ed Cali Nuur Americo iyo Jeneral Cabdullaahi Gaafoow Max’uud oo ah taliyaha hogaanka  Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowalda Soomaaliya.

Qaadiga maxkada ayaa sheegayin dhamaan xeer ilaaliyaasha Kenya ay ku maqan yihiin siminaar sidaasi daraadeedna dib loo dhigay dhageysiga maxkamada illaa bisha nagu soo fool leh horaanteeda.

Danjire Maxa’ed Cali Nuur Americo iyo Jeneral Cabdullaahi Gaafoow Max’uud oo ah taliyaha hogaanka  Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowalda Soomaaliya, ayaa sheegay inaaney ka daali doonin oo aysan ka hari doonin illaa laga xukminayo ninkakani Hidiya u dhashay ,kunteenarada ay ka buuxaan karararka aqoonsiga iyo baasaboorada looga wareejinayo dowalada Soomaaliya oo laga dajinayo magaalada Muqdisho.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.