Maamulka dagmada Xudur ee gobalka Bakool oo dowlada Soomaaliya ka codsaday in gurmad lala soo gaaro dadka deegaankaasi.

67

Maamulka dagmada Xudur ee gobalka  Bakool ayaa ka codsaday dowlada federaalka Soomaaliya iyo ha’adaha gargaarka in ay dhinacyada waxbarashada ,caafimaad iyo cunada ka caawiyaan dadka ku nool dagmadaasi .

Mar uu la hadlayay Radio Muqdisho Gudoomiyaha dagmada Xudur ee gobalka Bakool Maxamad Macalin ayaa sheegay in degmada iyo deegaanada hoos taga aysan heysan nolosha aas aasiga ah ah sida Cunada ,caafimaadka  iyo wax barashada,waxaana uu dowlada Soomaaliya ka codsaday gaar ahaan hay’adaha ay quseyso baahidaasi in ay si deg deg ah wax uga qabtaan.

Sidoo kale waxaa uu xusay  maadama iyagu ay yihiin masuuliyinta Xudur ay cabsho arintaasi la xiriirta kaga imaneyso dadka deegaanka.

Inta badan deegaanada hoos taga degmada Xudur waxaa ay yihiin kuwo ka soo kabanaya dhibatooyinkii ay maleeshiyaadka shabaab ku hayeen xiliyadii hore.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.