Zambia Iyo Nigeria Oo Maanta Isku Dhegan, Ethiopia Iyo Burkina Faso Oo Isku Balansan Koobka Qaramada Afrika

33

Xulka ka dhisan bariga Afrika ayaa ka hor kulanka ay maanta la leeyihiin Burkina Faso waxa ay ku galayaan iyagoo niyada ku dhisanaya qaab ciyaareedkii wanaagsanaa ee ay kala hortageen xulka koobkaan difaacanaya Zambia oo ay ku celiyeen barbaro 1-1 ah iyagoo 10 ciyaaryahan ku ciyaarayay qeybtii labaad ee ciyaartaas oo dhan.

Labada xul ayaa ku soo heli doona line-up la mid ah kulamadoodii ugu horeysay ee Group C, inkastoo Ethiopia ay u yeean doonto goolhayaheeda labaad Zerihun Tedele madaama goolhayahoodii koowaad Jemal Tessaw uu ganaax ku maqan yahay.

Ethiopia ayaa amaan badan ku heshay qaab ciyaareedkooii kulankii ay barbaraha ku qabteen xulka difaacanaya koobkaan inkastoo ay 10 ciyaaryahan ku ciyaarayeen in ka badan saacad.

Dhinaca kale Burkina Faso ayaa iyadana dhiirogelin ka soo qaaday sida adkeyd ee ay u la ciyaareen kulankoodii ugu horeeyay xulka Nigeria oo ay ku qabteen barbaro 1-1 ah.

Waa markii ugu horeysay oo labadan xul ay ku kulmaan tartan rasmi ah, Ethiopia ayaa ah xulka ugu qiimeynta hooseeya xulalka ka qeybgalaya koobka qaramada Afrika, waxaana ay qiimeynta xulalka aduunka kaga jiraan kaalinta 110aad.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:
BURKINA FASO

Diakite
H.TraoreB.KoneKoulibalyPanandetiguiri
PitroipaRouambaKaboreKoffi
A. Traore,
Dagano
ETHIOPIA
 
Tadelle
HailuEliaseTesfayeButako
BekeleMegresa, Bekele, Said
Kebede, Girma

 

Kulanka kale ee xiisaha badan waa kulanka ay iswajahayaan xulka difaacanaya koobkaan Zambia iyo xulka Nigeria, iyadoo labada tababare ay ka warqabaan in guuldarro aysan qaadan karin hadii ay doonayaan inay wareega xiga rajo ka lahaadaan.

Labadan xul oo ah xulalka ugu culus ee ku jira Group C ayaa natiijooyin aysan fileynin kala kulmay kulamadoodii ugu horeysay ee tartanka iyagoo barbaro kala kulmay Ethiopia iyo Burkina Faso.

Nigeria ayaana aheyd xulkii ugu danbeeyay ee Zambia ku garaaca koobka qaramada Afrika sannadii 2010.

 

LINE-UPKA MACQUULKA AH
NIGERIA
Nigeria Logo
Enyeama
Omeruo, Oboabona, Yobo, Elderson
Igiebor, Mikel, Ogude
Musa, Uche, Moses
ZAMBIA
Burkina Faso
Mweene
Kasonde, Sunzu, Himoonde, Musonda
Lungu, Chansa, Kalaba, Katongo
Mbesuma, Mayuka

 

You might also like More from author

Comments are closed.