Burcad-baddeed Soomaali oo maanta lagu maxkamadeynayo Jesiiradda Mauritius.

59

Lano iyo toban Burcad-baddeed Soomaali ah ayaa waxaa maanta la soo taagay Maxkamad ku taalla caasimadda Jesiiradda Mauritis (Murushiyos) ee Port Louis.

Wasiirka Arrimaha dibedda ee Jesiiradaasi ku taalla Badweynta Hindiya, Aruin Booleel, ayaa Saxaafadda u sheegay in dacwadda lagu qaadayo Burcad-baddeedaasi socon doonto muddo dhowr malmood ah, isagoo xusay inay Ciiddamadda Maraykanka ku soo wareejiyeen Burcad-baddeeda bishan 5-ta, lagana soo qabtay iyagoo doonayey inay Maraakiib afduubtaan.

Wasiirku, waxa uu sheegay marka ay Maxkmadda xukunka ku rido Burcad-baddeedaasi inay ku wareejin doonaan Maamulka Somaliland, oo uu ka dhexeeyo heshiis samaxayo in Burcad-baddeedla xukumo lagu hayo Xabsiyadda Somaliland.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.