Maamulka degmada Boondheere oo xaqiijiyay in amaanka degmadaasi la isku haleynkaro

66

Gudoomiyaha degmada Boondheere ayaa sheegay in ay si dar dar ah u socdaan howlaha sare loogu qaadayo  nabadgalyada iyo nadaafadda,   isagoo dhinaca kalana sharaxay in dadweynaha ku dhaqan dagmadaasi ay iskaashi buuxa la leeyihiin laamaha amaanka dagmada

C/laahi Xirsi Wardheere Istakiin gudoomiyaha dagmada Boondher oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay si xowli ah ku socdaan howlgalada lagu sugayo amaanka iyo ololaha sare loogu qaadayo nadaafada degmada.

Mudane Istakiin oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmamay in uu jiro tartan dhinaca nadaafada ah oo u dhaxeeya degmooyinka G/Banaadir isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in degmadiisu ay kaalinta koobaan ka gelidoonto dhinacyada amaanka iyo nadaafada.

Gudoomiye Istakiin ayaa hoosta ka xariiqay in sugida amaanka ay iska kaashadaan ciidamada amaanka dowlada iyo shacabka ku nool degmada taasina waxa ay sabab u noqotay ayuu yiri in amaanka degmada uu noqdo mid la isku haleynkaro.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.