Maamulka G/Sh/Dhexe oo walaac ka muujiyay nolosha Boqolaal Qoys oo ku tabaaleysan Jowhar

54

Maamulka gobalka Shabeelada Dhexe ayaa walaac ka muujiyay Boqolaal qoys oo ku ceyrtoobay dab ka kacay tuulooyin hoostaga gobalkaasi,  kuwaas oo duruufo dhinaca nolasha ah ay soo wajahday waxa uuna dhinaca kale  baaq u diray hay’adaha samafalka in ay gargaar la soo gaaraan dadkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ee  dhinaca siyaasada iyo arimaha bulshada Dr. Yuusuf Cabdullaahi ayaa ka deyriyay nolosha Boqolaal qoysas ah oo ku ceyrtoobay dab qabsaday Laba Tuulo oo hoosyimaada degmada Mahaday.

Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka ayaa intaa ku daray in qoysaskaasi ay ka mid noqdeen barakacayaasha ku sugan degmada Jowhar,  kadib markii dadku baabi’iyay Buulooyinkii ay deganayeen, wuxuuna ka codsaday hey’adaha gargaarka in ay gacan ka geystaan sidii dadkaasi loogu gurman lahaa.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa tilmaamay in nolosha dadkaasi ay aad u liidato si loo badbaadiyo nolosha dadkaasina ay lagama maarmaan tahay in si degdeg ah loogu soo gurmado qoysaskaasi tabaaleysan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.