Ciidamada Amisom oo Beledweyne tababar ugu furay maleeshiyaad ka mid noqonaya ciidamada dowlada

52

Tababarkan oo aan si rasmi ah loo sheegin mudada uu socon doono ayaa maanta inkabadan 1000 askari oo kamid noqon doona ciidamada xooga dalka waxaa looga furay magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Tababarkan oo ay bixinayaan ciidamada AMISOM gaar ahaan ciidamada dowlada Jabuuti ee Kusugan magaaladaasi ayaa waxaa munaasabada lagu furayay ka qeybgalay mas,uuliyiin Katirsan maamulka gobolka oo uu horkacayay gudoomiyaha gobolkaasi iyo saraakiil katirsan Ciidamada AMISOM.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee kusugan magaalda Beledweyne ayaa sheegay in ciidamo Farabadan ay horay tababar ugu fidiyeen si ay uga faa,iideeyaan aqoonta ay dheeryihiin Maadama arkeen ciidamo Soomaaliyeed oo diyaar u ah inay aqoon kororsadaan.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan C/fataax Xassan Afrax oo isna goobta kahadlay ayaa uga Mahadceliyay ciidamada aan walaalaha nahay ee Jabuuti dadaalka ay ugu jiraan sidii ay qeybta Uga qaadan lahaayeen dib udhiska ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya kaasoo xiligan meel Wanaagsan maraya isagoo ciidamada kula dardaarmay inaanay dhayalsan casharada lasiinayo Islamarkaana ay muhiim tahay inay si gaar ah uga afa.iideystaan si ay waxa ugu qabtaan Dadkooda iyo dalkooda.

Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Beledweyne ayaa horay dhowr jeer tababro ugu furay ciidamada Dowlada ee kusugan magaalada beledweyne iyo degmooyin kale oo katirsan isla gobolkaasi Iyadoo sidoo kalena ay tababreen Maleeshiyaad laga soo uruuriyay gobolka kuwaasoo kamid noqday ciidamada dowlada .

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.