Ganacsatada Muqdisho oo loogu baaqay inay iibsadaan dab damisyo

59

Naadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa shaaca ka qaaday xiligaani wixii ka dambeeya aysan Masuuliyad ka saarneyn Suuqa bakaaraha waxa uuna sheegay in Ganacsatada Suuqa looga bahan yahay inay la imaadan Gawaarida Dabdamiska ah si ay hantidooda ugu bad-baadiyaan

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha ayaa lagu sheegay in Ganacsatada lagu war galinaayo inay bad-baadsadaan xiliyada uu Gubto Suuqa Bakaaraha islamarkaana ay iibsadaan Gawaari looga hortago dhibaatooyinka ku imaankara suuqa

Dhanka kale Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cismaan oo Wariyayaasha u aqriyay Warsaxaafadeedkaasi ayaa tilmaamay inay dan weyn ugu jirto ganacsatada maadaama suuqyada magaalada Muqdisho ay kusoo laa laabtaan dab ka kaca

Si kastaba ha ahaatee hadalak maamulka gobolka banaadir ayaa imanaya xili dhawaan ay soo bandhigeen Maamulka Gobolka Gawaari dab-damis ah oo looga hortago dhibaatooyinka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.