Munaasabada dhalashada NMNNKH oo xalay lagu qabtay Muqdisho iyo gobolka kale ee dalka

28

Xuska Dhalashada Nabigeenna Muxamad NNKH ayaa xalay laga sameeyay qeybo ka mid ah gobollada dhexe iyo magaalada Muqdisho.
Magaalooyinka Guriceel, Dhuusamareeb iyo Cabudwaaq oo ka tirsan gobolka Galguduud ayaa xalay lagu dhafray siirada Nabigeena NNKH, ayadoo lagu maamuusayo dhalashadiisii oo ku beegan bishaan.

Culmo ka tirsan ASWJ ayaana masaajidda iyo goobo kale ku oogay Salliga Nabiga, ayadoo mas’uuliyiin iyo bulsho badan ay ka soo qeyb galeen, sida ay ku soo warameen wariyeyaasha Radio Muqdisho ee gobolkaasi.

Sidoo kale magaalada Muqdisho ayaa laga xusay Mowliidka, ayadoo masaajidda qaar laga sameeyay muxaadarooyin looga hadlayo dhalashada Nabiga, noloshiisii iyo dacwadiisii oo ay ku jirto habeenkii dheelminta. Ayadoo dadka lagu baraarujiyay inay badiyaan salliga Nabiga.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.