Maamulka Gobolka Banaadir Oo Maanta Qalab Iyo Gaadiid Gudoonsiiyey Wasaaradda Warfaafinta

43

Maamulka gobolka  Banaadir ayaa maanta wasaarada warfaafinta  isgaarsiinta iyo gaadiidka gudoonsiiyay qalab iyo gaadiid,  iyado oo madaxda wasaarada Warfaafintuna ay uga mahadceliyeen maamulka gobolka.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa mas’uuliyiinta wasaarada Warfaafidnta Isgaarsiinta iyo gaadiidka guddoonsiiyay Hal Camera Video oo loogu talagalay in loogu adeego ummadda iyo Baabuur loogu talagay hobolada Qaranka ee waaberi.

Munaasabadii uu maamulku ku wareejiyay qalabkaasi ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiir ku xigeenka wasaradda mudane C/shakuur Cali Mire, agaasimaha Warbaahinta, C/raxmaan Yuusuf Sheekh Alcadaala iyo maareyaha Theatarka Cabdi Dhuux.

Agaasimaha warbaahinta C/raxmaan Yuusuf Sheekh Alcadaala oo gudoomay Camerada ayaa maamulka gobolka Banaadir uga mahadceliyay Camerada ay ugu deeqeen Telefishinka Qaranka, sidoo kale Maareeyaha Theatarka Cabdi Dhuux oo isaguna gudoomay baabuurka loogu talagalay hobolada Qaranka ee Waberi ayaa maamulka gobolka uga mahadceliyay gaadiidka ay ugu deeqeen Kooxda.

Ugu dambeynti wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta Isgaarsiinta iyo gaadiidka mudane Cabdi Shakuur Cali Mire ayaa maamulka gobolka Banaadir ku amaanay dadaalkooda ku aadan qalabka ay wasaarada ugu deeqeen.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.