Boqolaal dadweyne oo maanta Banaanbax isugu soo baxay Degmadda Afgooye

59

Wararka ka imaanaya dhanka Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka dhacay Banaanbax lagu taageerayo Guushii dhawaan Xukuumadda Somalia ay kasoo gaaraty Dalka Mareykanka

Banaanbaxa ayaa ahaa mid ay soo agaasimeen Masuuliyiin katirsan  maamulka Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha hoose kuwaasoo iska xil saaray inay shacabkooda dareensiiyaan halka ay wax marineyso Xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Xassan sheikh maxamuud.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka arimaha Bulshada ee maamulka Degmada Afgooye Cabdi Maxamed Yuusuf oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in banaanbaxa uu yahay mid lagu muujinaye taageerada loo haayo hadalka kasoo baxay Dowlada Mareykanka ee lagu aqoonsaday Dowladda Soomaaliya.

Cabdi Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in shacabka kunool Degmada Afgooye ay soo dhaweynayaan Guusha madaxweynaha Somalia uu kasoo hooyiyay Dalka Mareykanka waxa uuna sheegay in mar waliba shacabka looga baahanyahay inay taageeran guulaha xukuumadda ay gaareyso .

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.