Dowlada Kenya oo u soo magacawday safiir dalka Soomaaliya

60

Dowlada Kenya ayaa u soo magacawday safiir dalka Soomaaliya markii ugu horeysey muddo 22 sano ah.

Safiirkan cusub ee dowlada Kenya u soo magacawday Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda warqadihiisa aqoonsi u gudbiyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Danjiraha dowlada Kenya ee dalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Makara ayaa soo gaaray saaka magaalada Muqdisho iyadoo uu safarkiisa ku weheliyo safiirka Soomaaliya u jooga dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Nuur (Ameriko).

Soo magacaabida safiirka Kenya ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay tahay mid daba joogta heshiiskii dhowaan magaalada Nairobi ay ku gaareen madaxda labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dalka Kenya oo deris la ah dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan kumanaan qoys oo Soomaali ah oo ka cararay dagaaladii sokeeye ee dalka Soomaaliya ka dhaccay.

Idale News Muqdisho

Waxana magacaabida safiirkan uu ka qeybqaadan doonaa sidii loo horumarin lahaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.