Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la yeeshay wakiilo ka socday deeq bixiyaasha..

36

Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay wakiilo ka socday wadamada deeqda bixiya.

Kulankan oo ka dhacay garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay labada dhinac ka wadahadleen sidii loo sii wadi lahaa deeqaha wadamada caalamka ay siiyaan dalka Soomaaliya.

Mas’uulyiiintii kulankan ugaga qeybgashay dowlada federalka ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka Maaliyada ee dowlada federalka.
Kulankan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee uu madaxweyne Xasan Sheekh uu la yeesho wakiilo ka socday beesha caalamka tan iyo markii uu saaka dib ugu soo laabtay dalka.

Wadamada deeqaha bixiya ayaa waxa ay wadahadalo ku saabsan sidii dowlada Soomaaliya loo siin lahaa deeqaha loo qorsheeyay dalka Soomaaliya la yeelanayeen madaxda dalka Soomaaliya.

Wadamada deeqaha bixiyaha ayaa waxa ay intii ay jirtay dowlada kumeelgaarka ah ee Soomaaliya ay deeqaha u soo marin jireen hay’adaha samafalka ah, hase yeeshee waxaa socda haatan qorshe la doonayo in dowlada Soomaaliya si toos ah loo siiyo deeqaha loogu talogalay.

Idale News Muqdisho

 

You might also like More from author

Comments are closed.