Wararkii ugu dambeeyay ee koobka qaramada Afrika South Afrika ayaa galabta si weyn u dooneysa guul ay ka gaaraan xulka Angola

30

South Afrika ayaa galabta si weyn u dooneysa guul ay ka gaaraan xulka Angola iyagoo doonaya inay shacabkooda oo martigelinaya koobkaan ay siiyaan niyad dhis weyn oo ku aadan inay u soo bixi karaan wareega xiga.

Xulka South Afrika ayaa si naf lacaari ah barbaro u la galay xulka ugu yar xulalka ka qeybgalaya koobkaan ee Cape Verde, kulankaana waa kulankoodii labaad ee Group A, iyagoo ka horimaanaya xulka Angola oo iyagana barbaro ku soo qabtay Morocco.

Ciyaarta ka dhaceysa Moses Mabhida Stadium maanta sacaada Afrikada Bari marka ay tahay 7pm waxaa laga filayaa kulan xiiso iyo xamaasad leh, iyadoo mar kale la filayo in garoonka uu soo buuxsamo sida kulankii lagu furay oo kale.

Markii ugu danbeysay ee South Afrika iyo Angola ay kulmaan waxa ay aheyd sannadkii hore isla koobkaan qaramada Afrika markaas South Afrika ay barbareysay xilli danbe gool looga hormaray.

Labada xul waxa ay sidoo kale ku kulmeen koobabkii Qaramada Afrika ee 1996 iyo 1998, iyadoo Angola aysan weli ka badinin Bafana Bafana.

Dhanka qiimeynta FIFA Angola waxa ay xulalka caalamka kaga jirtaa kaalinta 78aad halka South Afrika ay ku jirto kaalinta 85aad waana xulka ugu hooseeya xulalka ku jira Group A.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

 

SOUTH AFRICA
South Africa  Khune
Matlaba, Khumalo, Sangweni, Ngongca
Serero, Furman, Dikgacoi, Phala
Parker, Mphela

ANGOLA
Angola

Lama
Amaro, Massunguna, Zuela, Miguel
Djelma, Kivuvu, Dede, Gilberto
Mateus, Manucho

Dhanka kale xulka Morocco oo isna ka mid ah xulalka ugu cadcad Group A ayaa waxa ay qaabili doonaan xulka sida lama filaan ka ah ugu soo baxay koobkaan ee Cape Verde Islands.

 

Waa markii ugu horeysay ee ay is wajahaan labada xul taariikhdooda, waana markii ugu horeysay ee Cape Verde ay ka soo qeybgasho koobka Qaramada Afrika.

Morocco ayaa finalkii koobkaan laga qaaday 2004, laakiin waxa ay ku guuleysteen 1976, waxaana ay haatan aaminsan yihiin inay heystaan xul awooda inay qaadaan 2013 koobkaan.

Cape Verde ma ahan xul la yareysan karo, waxa ay qiimeynta FIFA kaga jiraan kaalinta 70aad, waana xulka ugu qiimeyn sareeya xulalka ku jira Group A.

Ciyaartaan oo iyadana ka dhici doonta Moses Mabhida Stadium ayaa waxa ay bilaaban doontaa saacada geeska Afrika marka ay tahay 10pm.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

 

MOROCCO
South Africa  Lamyaghri
Belakhdar, Benatia, El Adoua, Bergdich
Hermach, EL Ahmadi
Barrada, Belhanda, Assaidi
Amrabat

CAPE VERDE ISLANDS
Angola

Vozinha
Carlitos, Ricardo, Nando, Gege

Verela, Dady, Rony, Silva

Mendes, Djaniny

Dhinaca kala sareynta group A, afarta xulba min hal dhibic ayay leeyihiin.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.