Faah faahin ka soo baxeysa dagaal Ciidamada Somaliland iyo Khaatumo ku dhex maray Gobolka Sool

53

Wararka ka imaanaya degmada Xudun ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in shalay gelinkii dambe uu dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumo ku dhex maray, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalada oo ahaa kuwo xoogan ayaa labada dhinac isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira guulo labada dhinac ay kala kala sheegayaan dagaalka.

Mas’uul u hadlay Maamulka Khaatumo ayaa sheegay in dhankooda ay ka gaareen dagaalka, isla markaana labo askari kaga dhaawacantay, halka Ciidamada Somaliland ay qasaare ku gaarsiiyeen dagaalka, ayna ka qabteen maxaabiis.

Sidoo kale dhinaca Somaliland Taliyaha ciidamada milateriga ayaa sheegay in ilaa 10-maxbuus ay dagaalka uga qabteen Ciidamada Khaatumo, laakiin ma uusan sheegin qasaaraha dhankooda dagaalka ka soo gaaray.

Xiisadaha ka dhex taagan Somaliland iyo Maamulka Khaatumo ayaa soo jiitamayay in muddo ah, waxaana labada dhinac isku hayaan lahaanshaha deegaano ay Somaliland horay u qabsatay, iyadoo dhowaan siyaasiyiin ka soo jeeda SSC Wasiiro looga magacaabay Somaliland.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.