Madaxweynaha Soomaaliya oo saaka dib ugu soo laabtay Muqdisho

37

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib booqasho uu ku tagay dalalka Mareykanka iyo Boqortooyada Sacuudiga Carabiya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha, iyo xubno ka tirsan labada gobol.

Madaxweynaha ayaa booqday magaalada Washington todobaadkii hore, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama iyo Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Hillary Clinton.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kula kulmay Mareykanka Jaaliyada Soomaalida oo uu khudbado uga hadlay xaalada soomaaliya u jeediyay.

Madaxweynaha ayaa magaalada Riyadh ee boqortooyada Sacuudiga uga qeyb galay shirka Madaxda Jaamacada Carabta oo looga hadlayay dhaqaalaha Carabta.

Madaxweynaha ayaan wax hadal ah siinin markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha, iyadoo markii diyaaradii siday ka soo degtay garoonka durba loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, ka hor inta uusan Madaxweynaha ka soo degin garoonka diyaaradaha, waxaana wadooyinka la dhigay Ciidamo fara badan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.