Boko Xaraam oo dad ku leysay waqooyi bari dalka Nigeria

58

Kooxda mintidka ee Boko Xaraam ayaa dad fara badan ku leysan waqooyiga dalka Nigeria, iyadoo weerarkan uu noqonayo kii u horeeyay oo ay kooxdu qaado sanadkan.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ayaa rasaas ku furay suuq ay dadka ku badan yihiin oo ku yaala magaalada Damboa maalinimadii shalay.

Ugu yaraan labaatameeyo ruux ayaa ku dhintay weerarkaas oo ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee sanadkan ka dhacay dalkaas.

Saraakiisha Nigeria ayaa sheegay in dadka ugaarsada la bartilmaameedsaday sababtoo ah waxa ay iibinayeen hilib dameer iyo doofaar, oo oo muslimiinta xaaraan ay ka tahay inay cunaan.

Boko Xaraam oo ah Urur islaami ah ayaa u dagaalameysa sidii shareecada islaamka ugu soo rogi laheyd Waqooyiga Nigeria, iyadoo sanado badan ay dagaalo kula jirto Ciidamadas Nigeria.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.