Ilaa 300-wariyeyaal oo saxiixay codsi ku aadan in dowladda ay sii deyso Wariye C/casiis Koronto Kadib kulan weyn oo ka dhacay magaal

24

Kadib kulan weyn oo ka dhacay magaalada Nairobi ayna soo qabanqaabiyeen idaacadaha uu ka tirsany ahay wariye C/Casiis Koronto ee Radio Dalsan iyo Radio Ergo ayaa dawladda Soomaaliya looga dalbaday in xuriyadiisa ay siiso wariye C/casiis Koronto oo laba todobaad ka badan ku jira xabsi.

Kulanka oo lagu soo beegay sidoo kale maalinta saxaafada Soomaaliya ee 21 Janaayo ayaa hadalo ay jeediyen marti sharafta goob jooga ka aheyd kulan ayaa ahaa in dawladda ay maxkamada cadaalad ah saarto wariye C/Casiis lana siiyo xuriyadiisa si dhaqso ah .

Agaasimaha Radio-ga arimaha bani’aadanimada ka faaloda ee ERGO Radio C/Qaadir Mursal ayaa sheegay in xariga C/Casiis uu yahay mid xaq daro ah laguna xadgudbayo xuriyatul qowlka iyo difaacida dadka aan codka laheyn , waxuuna ku baaqay in C/Casiis sida ugu dhaqsaha badan loo sii daayo .

Xasan Cali Geesey agaasimaha Radio Dalsan oo uu sidoo kale C/Casiis ka tirsanaa qeybteeda tifaftirka ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in xariga C/Casiis loo arki karo mid dawladda ay ku dabooleyso dambiyada ay ciidamadeeda galaan.

“wariyihi ka hadla xagdubyada la geystaa waxey noqoneysaa in la xiro , waxaana loo qaadan karaa arinka mid saxaafada lagu aamusinayo laakin waxuu sheegay in sidaad aysan saxaafada Soomaalida ku aamuseyn “ayu yiri Xasan Gesey

Xildhibaan Saakey oo oo ka mid ah gudiga warfaafinta barlamaanka ayaa ku eedeeyey Shariif Shikhuna Maye inuu kala garan la’yahay sharciga dawladda iyo midka uu isaga rabo inuu wax ku maamulo.

“Baaritaan ka badan laba todobaad faham uma heyno , waxaan u arki karaa inuu yahay wariyaha nin la dulminayo haduusan maxkamad helin.

Max’ed Fiyoore , C/raxiim Ciise , Xasan Kuuriye iyo wariyayaal kale oo rugcadayaal ah ayaa ku baaqay in xuriyadisa la siiyo Koronto.

Gagabadi xaflada ayaa la saxiixay buug lagu dalbanayey sii deynta Koronto , waxaana buuga saxiixay ku dhawad 300 oo wariye.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.