Helary Clinton ‘’Xiriirka Somalia iyo Mareykanka kuma ekaan doono aqoonsiga’’

27

Xukuumadda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday inay xoojineyso Xiriirka kala dhaxeeyo Xukuumadda Somalia ee uu madaxda ka yahay Xassan sheikh maxamuud kadib markii Xukuumadda Mareykanka ay 21-sanno kadib qalinka ku duugtay in Xukuumadda Somalia ay awood buuxdo u leedahay inay wax laqeybsato Dowladaha Caalamka

Wasiiradda Arimaha dibadda Mareykanka Helary Clinton oo la hadleysay wakaaladaha iyo warbaahinta Caalamka ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Mareykanka uu u furmay baal cusub, waxa ayna Xustay in Xukuumadda uu madaxweynaha kayahay Xassan Sheikh ay u muuqato mid isbedel ka sameyneysa Somalia iyada oona sheegtay in si wadajir wada shaqeyn u dhexmari doonto Somalia iyo Mareykanka

Helery Clinton ayaa iftiimisay in Shacbiga soomaaliyeed xiligaani baahi u qabaan nabad iyo kala dambeyn waxa ayna sheegtay in Somalia iminka ay kajirto xukuumad ka duwan xukuumadihii soo maray Somalia taasoo ay ku tilmaamtay inay ku mutaysatay in lagarab istaago

Si kastaba ha ahaatee Clinton ayaa Caalamka ugu baaqday in la taageero Xukuumadda Somalia lana muujiyo la shaqeyn dhanka amaanka ah maadaama ayee tiri Xukuumadda Mareykanka ay aqoonsi siisay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.