Wararkii ugu dambeeyay ee koobka qaramada Afrika iyo Kulamo Xiiso Leh

29

Koobka qaramada Afrik ayaa si xiiso leh uga socda magaalooyinka waa weyn ee wadanka Koonfurr Afrika.

Ciyaarihii ugu dambeeyay ee koobkan ayaa bar baro la isku mari waayay iyadoo labada ciyaarba la bixiyay kaarka gaduudan .

Xulka koobkan difaacanaya ee Zambia ayaa kulan adag kala hor tagay wadanka Ethopia waxaana ciyaartaas la isku mari waayay 1-1.

Goolhayaha xulka Ethopia Tassew ayaa noqday ninkii ugu horeeyay ee casaan loo taago koobka qaramada Afrika kaas o ciyaarta laga saaray daqiiqadii 35 aad

Taageerayasha xulka Ethopia ayaa garoonka ka sameeyay rabshado markii iyagoo 10 ku ciyaaraya ay rigoore iska qasaariyeen ,waxaana kulankaas ku dhaamaday 1-1.

Ciyaartii xigtay ee udhaxeysay wadamada Nigeria iyo Burkina Faso ayaa iyaduna ku dhamaatay 1-1 ,waxaana gool soo daahay oo uu dhaliyay ciyaariyahan Alain Traore uu been ka soo qaaday gool ay ku hogaamineysay ciyaarta Nigeria, waxaana ciyaartaas laga saaray Ambrose oo ka tirsan Nigeria.

Ciyaaraha galabta iyo caawa

Ivery Coast vs Togo ,6:00 maqribnimo xili geeska Afrika
Tunisia vs Algeria ,9:00 habeenimo xili geeska Afrika

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.