Midawga Africa oo ka arrinsanayas tacadiyada bini’aadanimo ee Soomaaliya ka dhaca

40

Kulanka madaxda Uurka Midowga Africa oo ka furmi doona magaalada Addis Ababa ee xarunta Wadanka Ethopia ayaa waxaa ka qeyb gali doona agasimaha Hay’ada xaquuqdaAadanaha ee HRW Qaarada Afrika u Qaabilsan isagoona kulamo la qadan doona gudoomiyaha ururka Midowga Africa dalamina zuma.
Shirka ayaa furmaya 27-ka bishaani,HRW ayaa jeedin doonta warbixino ku aadan gabood falo ka dhan ah xauuqda aadanaha oo ka dhacay Soomaalia tan iyo markii Dowladda cusub ee Soomaalia ay talada la waregtay sida dilka saxafiyint,ciidamada amanka oo Qatar ku ah arimaha xaquuda Aadanaha,iyo falalka kufsiga ee ka dhaca goobaha ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Soomaalia

Sidoo kale Hay’ada HRW waxa ay soo bandhigo doontaa Diyaradaha dagaalka Kenya oo si aan loomeel dayin u duqeeyay koofurta iyo bartamaha Somalia intii ay Ciidamada Kenya u gur guuranayeen qabsashada Magaalada Kismaayo oo Al-Shabaab ay kala wareegeen

Kulanka ayaa socon doona 2-maal mood oo ay Madaxda Midowga Afrika kusoo hadal qaadi doonaan dhacdooyinki ugu dambeeyay ee ka dhacay Wadamada Afrika sida Mali,Somalia,Sudan iyo Congo.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.