Wafdi Ka Socda Hay’adaha QM Oo Maanta Gaaray Beledweyn

51

Wafdi ka socday hay’adaha QM qaarkood ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan ayadoo wafdigaasina ay kulammo la qaateen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidammada.

Wafdigan oo barqanimadii maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif Airport ee magaalada Beledweyn ayaa waxey ka kala socdeen Hay’adaha UN OCHA iyo WFP oo hormarinta iyo cuntada ukala qaabilsan Jimciyada Qurumaha ka dhaxeysa.

Mudo saacaddo ah oo ay wafdigan ku sugnaayeen magaalada Beledweyn waxey kulammo la qaateen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan oo ay ka wada hadleen sida ugu macquulsan ee deegaannada gobolkaasi dadka ku nool loo gaarsiin lahaa gar gaar iyo sida gobolka Hiiraan looga hirgelin karo barnaamijyo hormarineed.

Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa si aad ah usii kordhayey wufuudda ka socota hay’adaha Caalamiga ah ee magaalada Beledweyn soo gaaraya ayadoo imaanshiyaha hay’adaha caalamigana ay ka dambeysay kadib markii xarunta gobolka laga xoreeyey Maleeshiyada kooxda Argigixisada ah ee Al-Shabaab.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.