Diyaarad Rakaab oo ay la socdeen in ka badan 70-qof oo uu taayar ka baxay xilli ay Diyaaraddu caga-dhiganaysay.

24

Diyaarad rakaab oo ay leedahay Shirkadaha Diyaaradaha ee Air Canada Jazz ayaa shalay si khatar uga badbaady shil, xilli ay soo caga-dhiganaysay Garoornka Diyaaradaha ee Toronto Pearson Airport ee ku yaalla caasimadda dalka Canada ee Toronto.

Afhayeenadda Garoonkasi, Manon Stuart ayaa sheegtay inay Diyaaradahaasi oo ay la socdeen 72-qof uu u baxay Taayarka dhinaca Midig, xilli ay Diyaaraddu soo caga-dhigatay Waddada ay Diyaraaduhu ka hinqadan, kuna soo deggaan ee Garoonkaasi.

Duulliyaha ayaa la sheegay inuu ku guuleystay inuu Diyaaradda si badqab ah u xakameeyo, iyadoo uu hal taayar ka maqan yahay oo ay dhinac u liicaysay.

Gaadiidka Gurmadka ayaa si degdeg ah ugu soo xoomeen halka ay Diyaaradda ku hakatay, iyadoo aysan wax dhibaato ah soo gaarin Rakaabkii iyo Shaqaalihii la socday Diyaaradahaasi.

Baaritaan ayaa la bilaabay waxa dhaliyey in mid ka mid ah Taayaradda Diyardda ay si lama filaan ah uga baxdo Diyaaradahaasi oo xilligaaasi ka soo kicitintay North Bay ee Gobalka Ontario.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.