Macallimiinta Haweenka ee dalka Qatar oo laga mamnuucy inay wax ka dhigaan Dugsiyadda Wiilasha u gaarka ah.

55

Dowladda dalka Qatar ayaa dhawaan soo rogtay amar ka mamnuucaya Macallimiinta dumarka ah inay wax ka dhigaan Fasalladda ay dhigtaan Ardyda wiilasha ah ee ku yaalla dalkaasi.

Wargeyska Alwatan ee ka soo baxa Caasimadda dalkaasi ee Doha, ayaa ka soo xigatay in Amarka Dowladda uu saamayn ku yeelanayo Dugsiyadda ay Dowladda maamusho iyo kuwa sida gaarka loo leeyahay.

Go’aanka ayaa lagu xusay inaysan Macallimiinta haweenka ah ka shaqeyn karin Dugsiyadda Wiilashu dhigtaan iyo weliba Xafiisyadda iyo Adeegyadda Bulshadda ee Dugsiyadda Wiilashu dhigtaan.

Macallimiintaasi ayaa loo sheegay in loo wareejinayo Dugsiyadda u gaarka ah Gabdhaha, inkastoo Milkiilayaasha Dugsiyadda Gaarka ay sheegeen inuu amarkaasi dhbaato ku yahay Macallimiinta Haweenka ee Shisheeyaha ee Qandaraaska kula soo galeen inay Ardayda Wiilasha wax u dhigaan.

Milkiilayaasha Mu’asasooyinka leh Dugsiyadda Khaaska ayaa sheegay inay ka naxeen Go’ankaasi oo ku soo beegmay xilli loo diyaar garoobayo Imtixaanaadka Guud ee Dugsiyadda dalka Qatar.

Ma cadda sababaha Dowladda Qatar ku dhaliyey go’aankaasi, iyadoo Qatar ka mid tahay Dalalka Carabeed ee ay Siyaasadooda u janjeertto dhinaca Dimuqraadiyadda.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.