Wasiirka adeega Bulshada oo kulan looga hadlayo horumarinta Caafimaadka la qaatay hay’adda Caafimaadka aduunka

26

Wasiirka horumarinta adeegga Bulshada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan looga Hadlayay Horumarinta Caafimaadka Soomaaliya la qaadatay wafdi ka socday hay’adda Q/Midoobay u qaabilsan Caafimaadka oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho

Shir saxaafadeed ay maanta si wada jirka ugu qabteen magaalada Muqdisha wakiilka hay’adda Caafimaadka aduunka ee  WHO ee Soomaaliya  Merth evirt iyo wasiirka wasaarada horumarinta adeega Bulshada Maryan Qaasim ayaa waxa ay uga hadleen kulan ay wada qaateen  wasiirada iyo wakiilka WHO Ee Soomaaliya iyo hawlwadeenada wasaaradaasi  kaasoo leeyskula gorfeeynayay ajendaha ama qorshha Ay lashir tagayaan kulan balaaran oo kadhici doona Imaaraatka Carabta.

Mirth Evrit wakiilka hay’ada Jamciyada Qurumaha kadhexeysa ugu qeebsan caafimaadka dunida ee WHO ayaa sharaxday xaalada caafimaad ee caruurta iyo hooyooyinka Soomaaliyeed waxa ayna xustay in xaalad adag ay kujiraan hooyooyinka iyo caruurta Soomaaliyeed ee kunool gudaha gobolada iyo degmooyinka wadanka.

Wasiirka wasaarada Horumarinta adeega Bulshada Maryan Qaasim ayaa iyaduna kahadashay in xilgan Waxii kadambeeya aan laqaadan kareyn in hooyo Soomaaliyeed iyo caruuteeda aaney u dhiman cudur Laga hortagi karayo  iyo mid ladaweyn karay sida Maleeriyada iyo cudurada kale ee dila Caruurta Da’doodu kayartahay 5ta sano iyo hooyooyinka uurka leh ee unugl cudurda.

Dabayaaqada sanadkii tagay ayey aheyd markii xafiiska hay’ada Jamciyada Quruumaha ugu qeebsan Xanaaneeynta caruuta uu walaac farabadan kamuujiyay xaalada Caruuta ilaa iyo kudhawaad 10dal oo Africa iyo Aasiya ah kuwaasoo ay Soomaaliya kujirto oo hay’adu sheegtay hadii aan si wax kaqabad leh Loo maareeyn ay caruurtaasi lakulmi karaan dhimasho farabadan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.