Munaasabad lagu soo dhaweynayo Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta oo lagu qabtay gobolka Minesota ee dalka Mareykanka

29

Munaasabad balaaran oo xalay ka dhacday gobolka minesoto  ee dalka mareykanka ayey Soomaalida kunool gobolkaasi waxa ay kusoo dhaweynayeen wasiirka wasaarada Warfaafinta Isgaarsiinta iyo Gaadiidka mudane C/laahi Ciilmooge Xersi waxaana kala qeyb galay Munaasabadaasi wasiirka marwadiisa,Odoyaal,Haween Dhalinyaro iyo fanaaniinta gobolkaasi kunool ee Soomaalida ah.

Qaar kamid ah jaaliyadda Soomaaliyed ee Minesoto oo kahadlay goobta ayaa soo dhaweeyay Horumarada ay dowlada Soomaliya ku talaabsatay gaar ahaan waxa ay bogaadiyeen wax Qabadka wasiirka warfaafinta iyo howsha ay wasaaradu u heyso dadka Soomaaliyeed ee ka Haqabtirida abahida warbaahineed ee dalka iyo dibedaba.

Wasiirka wasaarada Warfaafinta mudane C/laahi Ciilmooge Xersi ayaa khudbad u jeediyay Soomaalida Minesota waxa uuna uga mahadceliyay soo dhaweyntooda isagoo sheegay in Dowladu had iyo jeer ay ku dadaaleyso horumarinta dalkeeda iyo dadkeeda.

Waxa uu sidoo kale wasiirku uga warbixiyay jaaliyadda waxqabadka dowlada ee mudada yar ee Ay jirtay iyo qorshayaasha dhow iyo kan fog ee xukuumadda uu afkeeda ku hadlayo ka Damacsantahay wadanka inay ka qabato maadama ay hadda howlkarnimo lasoo baxday.

Inti ay socotay munaasabadan xalay ka dhacday gobolka Minesota ee lagu soo dhaweynayay Wasiirka Warfaafinta xukuumada Soomaaliya ayey fanaaniintii ka qeybgashay waxa ay kusoo Bandhigeen heeso ka turjumayo horumarka dowlada cusub ay gaartay iyagoo ku Guubaabiyay Inay dowladu sii laba jibaarto howlaheeda waxa ayna kusoo gaba gaboowday munaasabada Xalay jawi wanaagsan, iyadoo Soomaalida caalamka ay si toos ah ugala socdeen Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.