Ciidamada oo Xaqiijiyay Amaanka Degmada Wanlaweyn ee G/Sh/Hoose

54

Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa xaqiijiyay in Ammaanka degmadaasi uu yahay mid la isku haleyn karo kadib howlgallo ay si isdaba joog ah magaaladaasi uga sameeyeen Ciidammada Xoogga Dalka.

Taliyaha saldhiga Booliiska ee degmada Wanlaweyn Cumar Cali Caddow oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in amaanka degmadaasi iyo deegaanada hoos yimaado uu yahay mid la isku haleynkaro.

Sidoo kale taliyaha waxa uu tilmaamay in ciidamadu ay halgalo joogta ah ka wadaan dhamaan deegaanada hoosyimaada degmada Wanlaweyn, wuxuuna shacabka ku amaanay sida wanaagsan oo ay nabada ugala shaqeeyaan ciidamada Booliiska iyo nabadsugida.

Degmada Wanlaweyyn oo ka mid ah gobolka Sh/Hoose ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee ka tirsan gobolkaasi oo laga faramaroojiyay maleeshiyaadka Shabaab.

You might also like More from author

Comments are closed.