Puntland oo soo dhoweysay aqoonsigii Mareykanka uu siisay dowladda Soomaaliya

29

Maamulka Puntland ayaa soo dhoweeyay aqoonsiga uu dhowaan Mareykanka uu siiyay dowladda Soomaaliya, iyagoo ku tallaabay tallaabo horay loogu qaaday xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka ka dhaxeeya.

War saxaafadeed ka soo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in aqoonsigii Mareykanka 17-kii bishan uu siiyay dowladda Soomaaliya uu yahay mid dhiira gelineysa dowladda Soomaaliya.

Puntland ayaa war saxaafadeedka ku sheegtay inay horay uga qeyb qaadatay sidii dalka looga saari lahaa xilligii KMG, isla markaana wada hadaladii geedi socodka nabada ay door weyn ku laheyd.

“Puntland waxay door weyn ku laheyd sidii dalka looga saari lahaa KMG-nimada, sidaas darteed aqoonsiga uu Mareykanka siiyay dowladda Soomaaliya waa tallaabo weyn”ayaa lagu yiri qoraalka saxaafadeedka.

Maamulka Puntland ayaa ugu baaqday dowladda Soomaaliya inay dalka oo dhanka hirgeliso Federaalka, isla markaana ay xoojiso xiriirka ay la leedahay beesha caalamka iyo maamulada kale ee dalka ka jira.

Baaqan ka soo yeeray Puntland ayaa ku soo aadaya, iyadoo maamulka Somaliland uu ku tilmaamay aqoonsigii Mareykanka inuu dharbaaxo xoogan ku yahay gooni isu taagooda iyo aqoonsiga ay ka raadinayeen Caalamka.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.