Madaxweyne Obama oo mar labaad loo dhaariyay madaxtinimada dalka Maraykanka

29

Madaxweyne Barack Obama ayaa mar labaad loo dhaariyay madaxtinimada dalka Maraykanka duhurnimadii maanta xilliga dalka Maraykanka iyadoo ay goob joog ka ahaayeen labadiisa gabdhood iyo xaaskiisa.

Gabadha yar ee madaxweyne Obama Sasha ayaa tiri: “shaqo wanaagsan Aabbe” kadib markii uu si sax ah dhaartii loo meeriyay uu sheegay. Waxana uu ku jawaabay “haa waan sameeyay”

Dhaarinta Obama ayaa dhacday maanta oo Axad ahayd iyadoo la raacayo sharciga iyo dastuurka Maraykanka oo qoraya in madaxweynuhu waqtiga uu xilka qabanayo ay ka bilaabanayso duhurnimada 20ka Janaayo.

Hase yeeshee xaflada caleemosaarka ayaa berrito oo Isniin lagu wadaa in ay ka dhacdo dalka Maraykanka maadaama ay maanta ahayd maalin fasax ah oo Axad ah.

Madaxweyne Obama qoyskiisa iyo dhowr ruux oo ay qaraabo yihiin ayaa goobjoog ka ahaa dhaarintiisa iyadoo si toos ah caalamka loogaga daaawanayay taleefishinada.

Sidoo kale waxaa la dhaariyay maanta oo mar labaadna la dhaarin doonaa berrito madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Joe Biden.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.