Magaalladda New Delhi oo noqotay Caasimdda Kufsiga Haweenka ee dalka Hindiya. (Qoraal Turjuman)

37

Waxaa sii kordhaysa falalka xadgudubka Kufsiga ee lagula kacayo Haweenka ku nool Caasimadda dalka Hindiya ee New Delhi, iyadoo falkii ugu dambeeyey uu dhacay dabayaaqadii sannadkii hore.

Taliyaha Ciiddnka Boliska ee New Delhi, Neeraj Kumar ayaa sheegay inay 23% kordheen falalka tacadiyadda ee lagu kufsado Haweenka dalkaasi.

Waxa uu xusay inay sannadkii hore diiwaangeliyeen 760-kiis oo la xiriira Kufsiga Safmareenka ee lagula kaco Haweenka ku nool New Delhi, isagoo sheegay inay New Delhi tahay magaalladda ay ka dhacaan inta badan kiisaska kufsiga ee  ka dhaca guud ahan magaallooyinka dalkaasi.

Kufsiga ka dhaca New Delhi ayaa lagu tilmaamay inuu saddex jeer ku labanlaabmo falalka kufsiga ee magaalladda Mumbai  ka dhacay sannadkii 2011-kii.

Boliska dalka Hindiya ayaa la sheegay inay ka gaabiyaan dabagalka Kooxaha Kufsiga geysta, iyadoo dhaliishaasi soo shaac-baxday , kadib, markii ay 6-dhallinyarro ah si saf-mareen  u kufsadeen gabar dhallinyarro ah oo 23-jir ahayd , taasi oo dhaawacyadii la gaarsiiyey ugu geeriyootay Isbitaal ku yaalla dalka Singapore.

Kufsiga gbadhaasi waxa uu soo jiitay Indhaha Beesha Caalamka, iyadoo Dowladda Hindiya ku dhaqaaqday sidii wax looga qaban lahaa Tacadiyadda noocaasi ah, iyadoo laga war-sugayo  go’aanka ay Maxkamadaha dalkaasi ka gaari doonaan 6-dii nin ee geystay kufsiga ay gabadhaasi u geeriyootay.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.