Raadiyaha Ra’isulwasaare Saacid oo maanta Degmada Afgooye ee G/Sh/Hoose kula kulmay qeybaha Bulshada

31

Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo ay wehliyaan wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mudane C/Kariim Xuseen Guuleed iyo taliyayaasha ciidamada Booliska iyo Nabadsugida ayaa Maanta kormeer ku tegey degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Ra’isulwasaaraha ayaa beerta Sheekh Saa’id ee degmadaasi kulan balaaran kula qaatay maamulka Gobolka iyo kan degmada iyadoo markaa kadibna uu Ra’isulwasaaruhu qaabilay qeybaha bulshada Degmada afgooye sida odayaasha dhaqanka, culima,owdiinka, haweenka iyo dhalinyarada kuwaasoo uu Ra’isulwasaaruhu mid mid uga wareystay hadii ay jirto cabasho ay qabaan ee la xiriirta dhinaca dowlada Iyo waxayaabaha ay Isleeyihiin degmada iyo guud ahaan nolosha deegaanka aya tabeysa.

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka degmada Afgooye ayaa Ra’isulwasaaraha uga mahadceliyay Imaatinkiisa Afgooye iyagoo sheegay inay neecow Nabadgalyo dareemeen markii ay dowladu la Wareegtay degmadaasi.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka mudane C/kariim Xuseen Guuleed oo goobta kahadlay ayaa sheegay in cabashooinka loosoo Gudbiyay ee ah in talada ugu weyn ee maamul u dhisida gobolka Sh/Hoose ay qaadan doonaan isagoo xusay inay dhawaan degmada afgooye gaari Doonaan xubno ka shaqeynaya maamul dhisida kuwaasoo qaadan doona talada ka timaada bulshada degmada Afgooye oo ay hogaaminayaan Odayaasha Dhaqanka iyo aqoonyahanada degmadaasi.

Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo hadal dheer ka jeediyay goobta ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya eysan marnaba u dulqaadan doonin in dhibaato loo geysto dadka Soomaaliyeed ee ay mas,uulka katahay isagoo dhinaca kalena usheegay dadka reer Afgooye inay qeyb Ka qaataan xasilinta gobolka Shabeelada Hoose iyo sugida amaanka.

Sidoo kale waxa uu Ra’siuwalsaare Saacid kusoo wareegay qeybaha ay degmada Afgooye ka Koobantahay isagoo usheegay dadka deegaanka in dowladu gacan bir ah ku qbaan doonto cid kasta oo Isku dayda inay dhac ugeysato dadka rayidka islamarkaana xukunka ugu adag lagu fulin doono qofkii isku Daya inuu kufsi ugeysto haween Soomaaliyeed ha ahaado shacab ama askari intaba.

Intaa kadib ayaa Ra’isuwlasaaruhu waxa uu maanta booqday xarunta idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho isagoo uga tacsiyadeeyay maamulka iyo shaqaalahaba dilkii dhawaan degmada Wadajir loogu Geystay allaha unaxariistee wariye Cabdi Xareed Cusmaan Aadan oo katirsanaa suxufiyiinta ka howlagala Idaacadaasi.

Waxa uu Ra’iswlasaaraha Soomaliya tilmaamay in dowladu aad uga xuntahay dilka loo geysanayo Wariyayasha Soomaaliyeed ee ku shaqeynaya marxalda adag  isagoo carabka ku adkeeyay in baaritaan Lagu sameyn doono islamarkaana aan la ilaawi doonin kooxaha caadeystay dilka suxufiyiinta.

Waa booqashadii ugu horeysay ee uu R’isulwasaare Saacid ku tago gobolka Shabeelada Hoose tan iyo Markii uu xafiiska qabtay iyadoo kormeerkanina uu dhiiri gelin weyn uyahay bulshada Soomaaliyeed Taasoo muujineysa sida ay dowlada uga go,antahay inay bulshadeeda la qeybsato dhibaatooyinka ay Lakulmaan.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.