Isusoobax Lagu taageerayo aqoonsigii Mareykanka ee Soomaaliya oo maanta Muqdisho lagu qabtay

21

Isusoobaxan oo ahaa mid balaaran oo lagu taageerayay aqoonsigii ay dowlada Mareykanku ku Dhawaaqday inay u aqoonsatay dowlad rasmi ah dalkeena ayaa waxaa ka qeybgalay boqolaal dadweyne Ah oo isaga kala yimid xaafadaha kala duwan ee degmada Yaaqshiid.

Dadka iskusoo baxay ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku taageerayaan xiriirka saaxiibtinimo ee u Bilowday Soomaaliya iyo wadanka Mereykanka iyo sida ay madaxda dowladu ugu heelanyihiin in Soomaaliya ay horumar gaarsiiyaan.

Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxyidiin Xassan Jurus oo dadweynaha lahadlay khudbadaha Madaxda gobolka iyo qeybaha bulshada kadib ayaa sheegay in dadka ay isku soo bixisay wadaniyad iyo Dowlad jaceyl isagoo tilmaamay inay tahay guul taariikhi ah oo usoo hoyataday Soomaaliya ugana Mahadceliyay madaxdii usoo hoysay.

Sidoo kale gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Muxyidiin Xassan Jurus ayaa sheegay in shacabka kunool Degmada Yaaqshiid ay yihiin dad nabada jecel islamarkaana diyaar u ah inay muujiyaan taageerada ay Uhayaan dowlada Soomaaliya iyo madaxda cusub ee hogaamineysa.

 

You might also like More from author

Comments are closed.