Wax walba oo aad rabto in aad ka,ogaato kulanka Tottenham vs Manchester United

47

Kooxda Tottenham ayaa soo dhoweyn doonta caawa kooxda Manchester United ciyaar ka dhici doonta garoonka White Hart Lane ee waqooyiga magaalada London

Ciyaartaan oo geeska Afrika laga daawan doonto 7:00 fiidnimo waxaa dhex dhexaadin doona garsoore Chris Foy.
Maxaa muhiim ah ciyaarta ka hor .

Laacibka khadka dhexe ee kooxda Tottenhan Scott Parker ayaa lagu soo bilaabi doonaa kulankii ugu horeyay ee Premier League xagaagan marka ay ka hor tagaan hogaamiyaasha Premier League .

Xidiga wadanka Brazil Sandro ayaa ayaa ka maqnaan doona kooxdiisa inta ka dhiman xagaagan laakiin looma baahna madaama uu soo laabtay Scott Parker.

Weeraryahanka Tottenham Emmanuel Adebayor ayaa ka maqan kooxdiisa kaas oo ka qeyb galaya koobka qaramada Afrika .

Manchester United daafaceeda Jonny Evans ayaa laga saaray ciyaartan kaas oo la sheegay in uu dhawacan yahay Fegie .

Tababare Fergie ayaa shaki galiyay in uu ku soo bilaabi doono Wayne Rooney iyo in uu mardanbe rigoore utuuri doono kooxda,kadib markii uu gool kulaad qasaariyay kulankii West Ham ee FA Cup-ka.

United ayaa 12 jeer adkaaday 20-kulan oo ka tirsan Prermier League oo ay ku soo ciyaartay garoonka White Hart Lane.

Tottenham ayaa ku soo garaacday United garoonka Old Trafford lugtii hore ee horyaalka waxeyna aheyd 23 sano kadib markii ugu horeysay oo ay halkaas ku badiyeen .

Aaron Lennon ayaa sameyn doona kulankiisii 200 aad ee Premier League .

Ryan Giggs ayaa wali sugaya kulankii 650 aad ee horyaalka Ingriiska

Labada koox ayaa 85 jeer ku kulmay garoonka White Hart Lane.

Labadan koox ayaa markii ugu horeysay kulmay maalin sabti ah 28-kii January 1898-dii ciyaar ku dhamaatay 1-1 oo ka tirsaneyd FA Cup-ka.

Waxaa ay guud ahaan kulmeen labadan koox 177 jeer United ayaa adkaatay 84 jeer halka Tottenham ay adkaatay 46 jeer iyagoo bar bar dhac galay 45 kulan.
Xidigaha lagayabo in lagu soo bilaabo

Tottenham : Lloris; Walker, Dawson, Vertonghen, Naughton; Lennon, Parker, Dembélé, Bale; Dempsey; Defoe.

Manchester United : De Gea; Rafael, Smalling, Ferdinand, Evra; Valencia, Carrick, Anderson, Cleverley; Kagawa, Van Persie.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.