Gunta Khilaafka Xoogan ee Madaxda Ururka Al-Islax iyo Mustaqbalka Xarakada

87

Waxaa Mudooyinkaan dambe soo baxaayey warar sheegaya in khilaaf xoogan uu soo dhax galay xarakada Islaax, oo aasaaskeedu 34 sano jirsatay Isbuucii lasoo dhaafay.

Khilaafkan ayaa wararka  sheegayaan in uusan ahayn mid hadda un soo ifbaxay laakiinse uu yahay mid in muddo ahba soo jiitamayay taasi oo la soo sheegayo in Maamulka Xarakada wax la taaban karo aysan kaqaban .

Dhowr sano ka hor ayay ahayd markii Xarakada Islaax  ay u kala qeybsantay laba qeybood oo kala ah :- Dam Jadiid iyo Dam Qadiim, hase yeeshee waxaa u dhaxeeyay loolan hoose kaasoo aan hor istaagin ama Caqabad ku noqon hab socodka  hawlgaleed ay xarakada ku shaqeyso .

Qeybta ama garabka koowaad ee Dam Jadiid oo ka mid ah qeybaha ay  u kala qeybsantay Islaax  ayaa u badan dhalinyaro iyo odayaal Miisaan culus ku leh gudaha Xarakada Islaax,  waxay hore uga biyo diideen welina diidsan yihiin qaabka xarakada dadka qaar u adeegsadeen iyo ayagoo ka  leexday wadadii loo ikmadey ama loogu tala galay inay ku socoto Xarakada, waxay u arkayeen in loo adeegsaday arimo gaar ah taaso aan ahayn ujeedada guud oo loo aas aasay,  kooxda kale ee Dam qadiim ay u arkeen Dam jadiid in ay yihiin falaago hoose oo kashaqaynaysa bur burinta Xarakada Islaax .

Laakiin khilaafkaan hadda soo ifbaxey xoogiisa ayaa hareeyay Xarakada guud ahaan xubnaha xarakada ee gudaha dalka iyo dibadiisaba, waxaana cad in aan horey looga baran isqabqabsi gaarsiiyey siyaasada gudaha ee xarakada in meelo fagaaro ah la soo istaagaan ama saxaafada isu mariyaan hadalo lid isku ah oo xaalada uga sii daraaya isla markaasina u muuqda in uu faraha ka baxay xalifintiisa maadaama uu saameeyey guud ahaan xubnaha ururka iyo taageerayaasha  madaxda sare ee Xarakada.

Dhanka kale, waxana dadka taageera xarakada iyo bulsho weynta kale la yaab ku noqotay  markii Sheekh Maxamed Axmed Garyare  oo ah Xubin fir fircoon oo kamid ah Golaha wadatashiga uu BBC da kacadeeyay in ay Xil ka qaadis ku sameeyeen Madaxda ama Muraaqibka Xarakada Islaax Dr.Cali Baashi iyo Dr,Cali sheikh Axmed oo ahaa Muraaqibkii hore ee Islaax ahna Maamulaha Jaamacada Muqdisho.

Sheekh Garyare, ayaa wuxuu ku eedaynaayaa Madaxda Islaax in ay ku takrifaleen Maamulida Xarakada ayagoon ka shaqaynaya waxaan maslaxad ugu jirin xarakada iyo isku soo celinta Xubnaha kala tagsan, isla markaasna u adeegsaday dhaqaalaha guud ee xarakada  dano gaar oo si cadna uga leexday wadadii saxda ahayd, isagoo sidoo kale tuhunsan in masuuliyiintaas xil ka qaadista lagu sameeyey iney lunsadeen hanti farabadan iyo marin habaabin ay ku wadeen xubnaha xarakada Islaax.

Dhanka kale waxaa isna bayaan lagu beeninaayo wareysiga Sheekh Garyare soo saaray mid ka mid ah madaxda xarakada Al-Islaax oo lagu magacaabo Dr.Cali baashi isagoona waxba kama jiraan ku tilmaamey xil ka qaadistaas kuna tilmaamey mid  Sheekh Garyare u gaar ah.

Xaalada waxaa uga sii darey  khilaafkana sii xoojiyey markii ku xigeenka xarakada Islaax Maxamed Beerey uu Shir Saxaafadeed  oo uu ku qabtey magaalada Muqdisho ku cadeynayo xil kaqaadista inay tahay mid sax ah loona arkay Mas’uuliintaas inay yihiin kuwo aan u shaqeynaynin danaha iyo ujeedooyin guud ee Xarakada loo ikmadey.

Is qab qabsiga Maamulka Xarakada Islaax ayaa ah Midkii ugu horeeyay oo soo dhaafa xubnaha ka tirsan Xarakada soona gaara Warbaahinta guud ee gudaha iyo dibadaba, si kasta oo ay ahaataba mar aan la xiriirnay ilo xog-ogaal u ah una dhow Maamulka Islaax ayaa u sheegay Idale News Online in Khilaafka uu ka bilowday ka dib markii Dr. Abdiraxman Bariyow ku dhawaaqey inuu yahay musharax u taagan jagada Madaxwenaha Somalia, ka dib  golaha wada tashiga ee xarakada u arrimiya go’aamiyey ama diiday go’aankaas Dr. Abdiraxman Badiyo gaarey, waxayna isla garteen golahaas in hadda xarakada Al-Islaax haba yaraatee diyaar u ahayn in ay qeyb noqoto loolan siyaasadeed ee xiligaan.

Haddaba, masuuliyiin uu ugu horeeyo Dr. Cali iyo xubno kale oo ka mid ah xarakada ayaa si cad u doonaaya in laga qeybgalo doorashada madaxtinamada Somalia, isla markaasna waxay gaareen kuna adkaysteen in la taageero go’aanka musharaxnimada Dr. Abdirahman Baariyow  lagu bixiyo dhaqaale xoogan taasoo xoogisey tuhunka ah in dhaqaalaha xarakada loo isticmaalo dano gaar ah xubnaha golahana lagala tashan. taasoo cirka ku shareerisay Khilaafkii hore u taagnaa ee maamulka xarakada dhexdeeda ahaa.

Hadba waxii khilaafka xarakada Al-Islaax ku soo kordha waan idinla socodsiin doonaa.

 

Idale News Online “INO”.

 

You might also like More from author

Comments are closed.