Wararkii ugu dambeeyay ee koobka qaramada Afrika

52

Xaalada koobka qaramada Afrika ayaa ku bilaabatay jawi goolal la,aan ah markii labadii ciyaar ee ugu horeysay kobkan shabaqa la soo taaban waayay .

180 daqiiqo oo la aciyaaray maalintii ugu horeeysay tartanka qaramada Afrika oo shalay si rasmi ah uga furmay wadanka South Afrika ayaa waxaa uu noqday mid aan wali gool la iska dhalin .

Wadanka koobka marti galinayaan ee koonfur Africa ayaa la ciyaaray jaziirada yar ee Cape Verde waxaana ay awoodi waayeen in ay gool ka dhaliyaan .

Ciyaartii labaad ee isla Group-ka A ee koobka qaramada Afrika ayaa bar baro ku soo idlaatay oo iyadana gool la iska dhalin waayay waxaana ay dhex martay wadamada Angola iyo Morocco .

Caawa waxaa jira ciyaaro kale oo ka tirsan koobka qaradamada Africa .

Kulamada caawa oo ka tirsan Group-ka B waxaa loo ciyaari doonaa sidan:

Ghana vs Congo DR 6:00 maqribnimo xiliga geeska Afrika
Mali vs Niger 9:00 habeenimo xiliga geeska Afrika

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.