Wasaaradda Arimaha Gudaha oo Tirakoob ku samayneysa Barakacayaasha

25

Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlaayay warbaahinta Gudaha ayaa sheegay in Wasaaradiisu ay sameysay Guddi tayo leh oo tira kooba Barakacayaasha dhibanaha ah ee iminka ku sugan Magaaladda Muqdisho

Wasiirka ayaa sidoo sheegay in Guddiyada lasameynayo ay ka shaqeyn doonaan sidii loo tira koobi lahaa xeryaha ay dagan yihiin dadka barakacayaasha ah sida dib loogu raro goobaha loo asteeyay, waxa uuna sheegay in inta badan dhibaatooyinka Xagjirka ay geesanaayan laga soo qaado goobaha ay ku suganyihiin Barakacayaasha Balse iminka xukuumadda ay qorsheysay in Magaaladda banaankeeda loo raro si looga hortago dhibaatooyinka ay geesanaayan Shabaab

Dhanka kale waxa uu wasiirku sheegay in Guddiga ay sameeyen ay kamid yihiin Masuuliyiin katirsan
Hay’adaha samafalka si ay uga qeyb-qaatan wax u qabadka Barakacayaasha ayauu yiri Wasiirka

Ugu dambeyntii Goobaha loo rarayo dadka barakacayaasha ayuu sheegay in lasoo kormeero doono lagana soo eegi doono dhinacyada caafimaadka si looga bad-baado dhibaatooyinka dhanka caafimaad darida uga imaan karta.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.