Dowlada oo ugu baaqday dalalka caalamka inay aqoonsadaan jirtiaanka dowlada Federalka Soomaaliya

43


Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday guud ahaan caalamka inay aqoosadaan jiritaanka dowlada Federalka Soomaaliya kadib markii ay xukuumada Maraykanka si rasmi ah u aqoosatay.

R/wasaaraha dowlada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo ka hadlayay aqoonsiga caalamiga ah ee ay dowlada Maraykanka aqoonsatay dowlada Soomaaliya ayaa ugu codsaday dowladaha kale ee aan weli si rasmi ah u aqoosan dowlada federalka in ay aqoonsadaan oo ay safiiro u soo dirsadaan dalka Soomaaliya.

Cabdi Faarax Shirdoon ayaa hadal uu jeediyay waxa uu ku amaanay dowlada Maraykanka aqoonsiga taariiqiga ah ee ay ku aqoonsatay jiritaanka dowlada federalka ah.

Dowlada federalka ee uu R/wasaaraha ka yahay Cabdi Faarax Shirdoon ayaa guulihii ay gaartay waxaa ugu weyn ictiraafka ay siisay dowlada Maraykanka, waxaana uu ictiraafkan dhabarjab ku noqday maamulka la magac baxay Somaliland oo rajo ka qabtay in ay hesho aqoonsi caalami ah.

Waxana durba ka soo yeeray hogaamiyaasha siyaasada ee Somaliland is dhaliilid ku saabsan helitaan la’aanta aqoonsiga ee weli ka jirta Somaliland.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.