In Ka Badan 100 Saraakiil Oo Ka Tirsan Ciidammada Xoogga Dalka Oo Tababar Loogu Soo Xeray Muqdisho

19

Saraakiil tiradoodu gaareyso 114 sarkaal oo ka tirsan Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta magaalada Muqdisho loogu soo gebagebeeyey tababar u socday mudo laba todobaad ah ayadoo munaasabadda tababarkan lagu xirayeyna ay ka qeybgaleen saraakiil uu hogaaminayey Abaanduullaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/kariin Dhegabadan.

Tababarkan oo lagu qabtay xarunta Gaaska Koobaad ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka qeybgaay waxey ku baranayeen farsamada iyo hogaaminta dagaalka ayaga oo si gaar ahna diiradda loogu saaray hogaaminta dhinacyada saadka iyo howlgalka.

Taliyaha Gaaska Koobaad ee Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/laahi Cali Caanood oo ka mid ahaa Saraakiisha tababarkan qaadatay oo khudbad ka jeediyey munaasabadda xeritaanka tababarka ayaa tilmaamay in tababarkan uu muhiim u ahaa saraakiishii ka qeybgashay islamarkaana ay diyaar u yihiin in wixii ay ka faa’ideysteen ay u gudbiyaan saraakiisha kale iyo Ciidammada.

Cornel Cabas oo ka tirsan macalimiinta hay’adda Bancrof oo tababarkan soo qaban qaabisay ayaa tilmaamay in saraakiisha ay tababarka  ku baranayeen saraakiisha abaanduulnimada ,hogaaminta dagaalka,saadka iyo waxyaabo kale oo la mid ah waxaana uu kula dar daarmay saraakiishii tababarka ka qeybgashay iney u gudbiyaan walaalahooda kale wixii ay faa’ideysteen.

Abaanduullaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan oo soo xeray tababarkan islamarkaana jeediyey Khudbaddii ugu dambeysay ee munaasabadda xeritaanka ayaa sheegay in abaanduulnimada ay barteen saraakiisha tababarka ka qeybgashay ay kala aheyd:-Abaanduul Sanco, Abaanduul Isgaarsiin,Abaanduul Saad iyo Abaanduul sahan islamarkaana waxa uu Abaanduuluhu tilmaamahy in ka qeybgalka tababarkan ay saraakiisha u aheyd fursad weyn.

Ugu dambeyntii Abaanduullaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/kariin Yuusuf Aadan Dhegabadan ayaa waxa uu kula dardaarmay saraakiisha ka tirsan Ciidammada Xoogga Dalka in waxyaabihii ay barteen ay usii gudbiyaan saraakiisha kale waxaana uu Abaanduulluhu tilmaamay in waxyaabaha ay saraakiishu barteen oo ay ka mid aheyd hogaaminta taangiyada dhowaan loo keeni doono.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya xiligan ku dooneyso iney ku tayeyso guud ahaanba Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo xiligan uu soconayo dib u dhis guud oo lagu sameynayo Ciidammada si ay usoo laabato sharaftii iyo haybadii ay Ciidamadeenna ku lahaayeen gobolka iyo guud ahaanba caalamkaba.

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.