Wafdiga Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Oo Booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya Ee Turkiga “DAAWO SAWIRRADA”

38

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Turkiga oo ku taala caasimadda Dalkaasi ee Ankara.

Wasiirka Difaaca Dalka waxaa booqashada uu ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee magaalada Ankara ku wehliyey Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mudane Jamaal Baroow.

Ugu horeyn Wasiirka iyo xubnaha la socday waxey kormeereen dhammaanba qeybaha uu ka koobanyahay dhismaha xarunta Safaaradda Soomaaliya ayagoo markaasi kadibna sida ay u shaqeyso safaaradda iyo waxyaabaha ay u qabato shacbiga Soomaaliyeed ka dhageysteen Safiirka Soomaaliya ee Dalka Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo isaga iyo xoghayaha Koobaad ee Safaaradda Mudane C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ay wafdigan kusoo dhaweeyeen xarunta Safaaradda.

Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo xubnihii la socday waxey aad ula dhaceen sida ay u shaqeyso Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Turkiga ayaga oo ku ammaanay mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada safaaradda sida ay ugu adeegayaan shacbiga Soomaaliyeed.

IMG_7613IMG_7614IMG_7643

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.